Home » News, goljano Latest News » Xarakada Al-Shabaab oo Maanta u digay Ciidamada Afrikanka ee AMISOM.

Xarakada Al-Shabaab oo Maanta u digay Ciidamada Afrikanka ee AMISOM.

.

Afhayeenka Xarakatu Al-Shabab Shiikh Cali Dheere ayaa uga digay ciidamada afrikaanka Amisom inaysan ku kadsoomin dagaalada tooska ah ee dhex maraya ciidamada dowladda iyo xarakadooda,isagoona u sheegay in hadii ay ka qeyb qaataan dagaalka dhinaca lugta ay jab lixaad leh ku gaarsiin doonaan.

Shiikh Cali dheere ayaa sheegay inay la socdaan dabin daabada ka socda Magaalada Sirta ee shirka Midowga Afrika,kaasoo uu tilmaamay in ujeedadiisu tahay in lagu go’aaminayo in ciidamada afrikaanka loo fasaxo in dagaalka lugta ay galaan, bedelkii ay horay xeryahooda ugu sugnaayeen

“waxaan leenahay ciidamadaas gaalada ah hadii aad banaanka isku timaadaan waxaa idin gaareysa jabka aadan ka soo kabsan xeryihiina waan geli doonaa” ayuu ku dhaartay Shiikh Cali dheere oo intaa ku daray in hadii ay dagaalka ka qeyb qaataan ay noqoneyso mid sii ziyaadisa xasuuqii ay ka geysan jireen gudaha magaalada Muqdisho.

Waxaa uu sheegay in haatan mujaahidiintoodu ay guulo wax ku ool ah ku tallaabsadeen isla markaana joogaan meelo ka baxsan goobo ay joogeen dowladda waxaana uu cadeeyay inay wiiqeen inta badan awoodii ciidamada dowladda.

Ururka uu Afhayeenka u yahay Sheekh Cali Dheere ayaa hore waxay u sheegi jireen in ay dagaalka kula jiraan ciidamada gaalada ah ee wadanka ku sugan, halka haatan ay uga digayaan ciidamadaasi in ay dibedda ka joogaan dagaalka ay ururkoodu kula jiraan dowladda Kmg.

Isku dayga ka socda Magaalada Sirta ee dalka Libiya, halkaasoo ay ku shirayaan madaxda afrikaanka ayaa ah in lagu kordhiyo awood ciidan oo gaareysa 8-kun, iyo in la fasaxo ciidamada amisomo oo meelo ka baxsan xeryahooda ay tagi karaan dowlddana difaaci karaan meeshii ay ka ahaayeen nabad ilaalin ka noqdaan nabad dhaliliyeyaal taasoo ah inay xoog ku maquuniyaan kooxaha mucaaradka ee doonaya inay wiiqaan awooda dowladda.

About This Post
Posted by Abdisalam on Jul 3rd, 2009 and filed under News, goljano Latest News. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can skip to the end and leave a response. Pinging is currently not allowed.

Leave a Reply