Home » Articles, Goljano Latest Articles, News, goljano Latest News » Xukuumada Somaliland Oo Jawaab Adag Ka Bixisay Hadal Ka Soo Yeedhay Hoggaamiyaha Al-Shabaab.

Xukuumada Somaliland Oo Jawaab Adag Ka Bixisay Hadal Ka Soo Yeedhay Hoggaamiyaha Al-Shabaab.

f

Hargeysa (Goljano) Wasiirka Arrimaha dibada Somaliland Md. Cabdilaahi Maxamed Ducaale, ayaa maanta jawaab kulul ka bixiyay farriin cod ah oo Hoggaamiyaha ugu sarreeya ururka Al-shabaab uu ku  naqdiyay siyaasada xukuumada Somaliland.

 

Wasiirka Arrimaha dibada oo Saxaafadu maanta wax ka weydiisay aragtida xukuumadiisa ee ku wajahan hadalka ka soo yeedhay Hoggaamiyaha Al-shabaab, waxaanu yidhi “Waxa weeye tani wax cusub ma aha, Somaliland cadowgeeda way ogtahay ama Al-shabaab ha noqoto ama cid  kale ha noqotee, dhiigii iyo dheecaankii wixii ay geysteena wuu qoyan yahay. Markaa waxa weeyaan nin iska hadlay waxa weeye nin qarankan ugu maqan cadownimo oo xukuman isagoo maqan waa gacan ku dhiigle Argagixiso ah gacanta Somaliland meesha ay ka gaadhi kartaba way ka gaadhaysaa.”

 

Dhinaca kale, Wasiirka Caddaalada Somaliland Md. Axmed Xasan Cali oo isaguna ka hadlay hadalka ka soo yeedhay Al-Shabaab, ayaa si kooban uga jawaabay waxaanu yidhi “Barigii ururkii SNM ay soo galeen Hargeysa iyo Burco ee dagaalku ka socday ayaa nin reer Hargeysa ah oo Xamar joogay ayaa qoladii nabad gelyadu soo xidhay waxaanu yidhi maxaa maxkamada la igu keenay? Waxa lagu yidhi Madaxweynaha Siyaad barre ayaad cayday ka dibna wuxuu yidhi maxaan caayaa farahaaba aanu isula tagnaaye. Markaa qoladan hadlaysa (Al-shabaab) farahaaba aynu isula tagnaye maxaa hadalkoodu sheegayaa.

 

Ramaasnews

About This Post
Posted by Abdisalam on Sep 4th, 2009 and filed under Articles, Goljano Latest Articles, News, goljano Latest News. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can skip to the end and leave a response. Pinging is currently not allowed.

Leave a Reply